"Ma jiro tiir ka weyn xasilloonida marka loo eego gabadh xoog leh, xor ah, oo wax baratay."......
Boggan Waxaynu ku eegaynaa sababta Dumar ka iyo hablaha da'yarta ahi ay ugu baaqdaan iskuulka inkasta oo waxbarista gabdhaha ay faa iidooyin badan u leedahay Caafimaadka,Barwaaqada iyo Amniga.
Waxaynu sharaxayaa wax badan oo ku saabsan saameynta nabad gelyo, Waxbarasho tayo leh, wuxuuna ina tusayaa caqabadaha ka hor istaagaya inay waxbarasho helaan.
WAXBARISTA HABLUHU WAA MID AAD IYO AAD U MUHIIMA
Hablaha hela waxbarasho badanaa ma guursadaan iyagoo da’yar waxay jecelyihiin
inay ku noolaadaan nolol caafimaad leh, oo wax soosaar leh, waxay soo saran
dakhli sare, waxay ka qayb qaataan go’aamada inta badan saamaynya iyaga,
waxayna dhisaan mustaqbal wanaagsan iyaga iyo qoyskoodaba.
Waxbarashada
habluhu waxay xoojisaa dhaqaalaha, waxayna yaraysaa sinaan la’aanta
Gabdhuhu
waxay xaq u leeyihiin xuquuq waxbarasho oo la mid ah tan wiilasha. Gabdhaha
waxbartay waxay sameyn karaan xulashooyin xog ogaal ah - iyo xulashooyin aad u fiican.
Waxbarista gabdhaha waxay badbaadisaa nolosha waxayna dhistaa qoysas,
bulshooyin iyo dhaqaale xoog leh. Tirada hablaha ah ee waxbartay waxay
kordhisaa wax soo saarka dalka waxayna Kordhisaa kobaca dhaqaalaha.
Caqabadaha Ka Hortaagan Waxbarshada Hablaha
1. Saboolnimada iyo Shaqalaysiinta Carruuurta
Gabdhaha ka
soo jeeda qoysaska saboolsan iyo kuwa reer miyiga ahi waxay la kulmaan
khasaarooyinka ugu badan sababtoo ah waalidiinta ayaa ka aqoon yar sidaa
darteedna waxaa laga yaabaa in aanay qiimayn waxbarashada. Bulshada reer miyiga
ah waxay leeyihiin nidaamyo inta badana gabdhaha ku khasba inay shaqeeyaan ama
maareeyaan gurigooda.
Hablo badan
waxay ku bilaabaan shaqada guriga ugu yaraan shan sano jir - inta badan xoolo raacid iyo
guryaha iyagoo shaqaale guri ah. Carruurta ka shaqeysa guryaha ayaa ku yar ama
aan helinba helitaanka waxbarashada sababtoo ah waalidka miyiga jooga ee
ay ushaqaynyaan u oggolaan maayo inay iska diiwaangeliyaan dugsiga.

2.Daryeelka Ehelka
Dumarka
iyo hablaha yaryari waxay ka simanyihiin la dareemida culayska iyo daryeelka xubnaha qoyskooda iyo
ehelka xanuusan tani waxay saameeyn ku yeelanaysaa inay iskuulada ka xaadiri
kariwaayaan oo ay wakhtina u waayan.
Biyo
la’aan iyo nadaafadda awgeed, gabdhaha ku
nool dhulalka soomaalidu badanaa iskuulada kuyaala goobohoodu malaha suuliyo
iyo biyo, fasax yar oo ay classka kaga baxaan waxay lix saacadood ku qaadan
karaan maalin walba soo raadinta biyaha.
Gabdhahaas aada iskuulku badanaa wey ka
baxaan markay bilaabaan xaalada menstruate ka
sababtoo ah ma jirto meel caadiya oo ay nadaafaddooda ku hagaajistaan.
Gabdhaha
ku nool meelaha ay colaaduhu saameeyeen 90% ayay u badan tahay inay ka baxaan
dugsiga sare marka loo eego kuwa ku nool meelaha nabdoon. Iskuulada waxaa lagu
burburin karaa xaaladaha isku dhaca, Waalidiinta
oo ay cabsi galin karto inay gabdhahooda
u diraan iskuulka, Xaaladaha degdegga,
oo ay ku jiraan masiibooyinka dabiiciga ah, saboolnimada sii kordhaysa ee
qoysaska iyo fursadaha shaqo la'aanta waxay saamayn kartaa in gabdhuhu ay halis sare ugu jiraan guurka
degdegga ah ama ay ku dhammaadaan xaalado kufsi.
Sannad
kasta 14 milyan oo gabdho ah oo Soomali ku jirto oo ka yar 18 sano ayaa noqda xaasas - celcelis
ahaan 35,000 maalin kasta. Guurku wuxuu joojiyaa waxbarashada gabdhaha iyagoo aan helin xirfado ka saari kara faqriga. Qaar
badan dib uguma noqon karaan dugsiga guurka kadib maxaa yeelay ma awoodaan inay
iska bixiyaan khidmadaha iskuulka iskuma na manage garn karaan guriga iyo dugsiga. Guurka carruurta ayaa
sidoo kale macnaheedu yahay in gabdhuhu yeeshaan uurar is xigxiga , taas oo sababaysa
heerarka sare ee gabdhaha ka tagaya dugsiga.
6.Uurka (PREGNANT)
Sannad
kasta qiyaastii 15 milyan oo gabdhood oo u dhexeeya 12 iyo 19 ayaa umula.
Cuqdad, taageero la’aan iyo takooris ku
saabsan uurka, ayaa ka reebay gabdhaha dugsiga, taas oo ku khasbaysa inay
guriga joogaan oo ay daryeelaan carruurtooda. Daryeelka caruurta iyo
barnaamijyada iskuulka ee dadka jilicsan
ama fasalada dadka waaweeyn ma laha iyagu.
7.Naafo
Caalamka
oo dhan inta udhaxeysa 93 milyan ilaa 150 milyan oo caruur ah oo isugu
jira soomaali iyo dadyawkale ayaa naafo ku nool sida aan kasoo xigtay Ururka
Caafimaadka Adduunka iyo Bangiga Adduunku waxayna ku qiyaaseen in waddamada
qaarkood "inta naafada ah ay ka badan tahay laba jibbaar fursadda aan
waligood iskuul la qorin".
Gabdhaha
naafada ah waxay la kulmaan takoor , taas oo ka dhigaysa inay ka mid yihiin
kooxaha carruurta la takooro.
Maxay Wax Barashada Habluhu Muhiim U Tahay?
ilmo
walba wuxuu xaq u leeyahay inuu barto oo uu helo waxbarasho tayo wanaagsan leh,
iyada oo aan loo eegin jinsiga, meesha uu ku nool yahay ama duruufaha ay ku
sugan yihiin.
Sababtoo
ah gabdhaha waxbartay waxay samayn karaan xulashooyin xog ogaal ah oo kaladuwan
oo u fiican, waxbarista gabdhahu waxay badbaadisaa nolosha waxayna dhistaa
qoysas xoogan, bulshooyin iyo dhaqaale. Marka ay helaan waxbarashon gabdhuhu
way fahmi doonaan xuquuqdooda, waxay yeelan doonaan dareen weyn.
1.Kobaca dhaqaalaha
Waxbarashada
gabdhaha iyo wiilashu waxay kordhisaa waxsoosaarka waxayna kaqeyb qaadataa
kobaca dhaqaalaha. Adduunweynaha, Habluhu kuma jiraan suuqa shaqada rasmiga ah
ama waxa looyaqaano (formal job market) sida ragga laakiin daraasado badan oo
la sameeyay waxay muujinayaan inay jiraan faa'iidooyin dhaqaale haddii loo
oggolaado inay ka mid noqdaan shaqaalaha.
Gabdhaha
waxbaratay waxay heli karaan shaqo fiican oo leh mushahar sare. Heerarka
waxbarasho ee kordhaa waxay saamayn fiican ku leeyihiin mushaharka haweenka.
Sida
lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay'adda Shaqaalaha Caalamiga ah,
"Waxbarista gabdhaha ayaa la cadeeyay inay tahay mid ka mid ah hababka ugu
muhiimsan ee lagu jabiyo wareegyada saboolnimada waxayna u badan tahay inay
saameyn weyn ku yeelato helitaanka shaqooyinka rasmiga ah."
2.Aqoonta caafimaadku waxay badbaadisaa nolosha
carruurta
Ilmaha ay dhasho hooyo waxbaratay waxay u badan
tahay 50% inuu badbaado marka aan kuleeyahay badbaado yacni uu ka badbaado
waxyaabo khatar ku ah oo lagaa hortagi
karo. Afartankii sano ee la soo dhaafay,waxbarshada
hablhaa oo kordhay darted ayaa ka
hortagtay korodhka dhimashada ilmaha.
Hooyooyinka
waxbartay ayaa sifiican u fahansan nadaafada, nafaqada iyo talaalka
caruurtooda, taasoo u horseedaysa yaraanta caruurta u dhinta cudurada laga
hortagi karo sida shubanka, oof-wareenka iyo malaariyada ama nafaqo daro.
Waxbarashada
gabdhaha waxay gacan ka geysaneysaa yareynta korodhka dadka, hablaha waxbartay
waxay leeyin tiro yar oo ubad ah sidoo
kalena uma badna inay uur qaadaan markay ay
da’ yaryiihin.
4.Guurka Caruurnimada oo yaraata
Gabdhaha
waxbarashada kufiican uma badna in caruurnimadooda la guursado waxayna
raadsadaan inay helaan fursado ay nolol caafimaad iyo barwaaqo ugu noolaadaan
naftooda iyo qoysaskoodaba.
Heerarka
sare ee waxbarashadu guud ahaan waxay ka caawiyaan qoysaska sidii loogu diyaar
garoobilahaa la-qabsiga afooyinka gaar
ahaan waxbarashada habluhu.
Daraasad
uu sameeyay Bangiga Aduunka 2010 ee wadamada soo koraya laga soo bilaabo 1960
ilaa 2003 ayaa lagu ogaaday in wadamada leh heerarka sare ee hablo
waxbaristu badanaa inaysan la kulmin tiro
badan oo dhimasho, dhaawac, iyo barakac ah aafooyinka cimilada.
Waxbarashadu waxay ka caawisaa hablaha inay helaan xirfadaha loo baahan yahay si ay ula wareegaan kaalimaha hoggaaminta ee heerarka maxalliga ah iyo kuwa heer qaran. Hablaha sida fiican wax u bartay waxay badanaa ku biiraan hay'adaha, ha ahaadaan kuwa mutadawiciin ah ama kuwa la doorto, halkaasoo ay uga qayb qaadan karaan go'aannada saamaynta ku leh noloshooda iyo tan bulshada.
Kuwani waa odhaahyo laga qoray dad dunida magac ku leh:-
-Haddii aan dooneyno inaan aragno horumar dhab ah oo adduunka ah markaas maalgashigeenna ugu fiican waa DUMAR! Desmond Tutu
-Waa inaynu ku dul -qornaa sharciga ugu sarreeya ee dalka, mabaadi'da adag ee dhowraya xuquuqda haweenka.Nelson Mandela
-Kasoo qaad, inagoo ku jirna xarun isboorti. Bal qiyaas haddii aad haysato koox oo aadan u oggolaan kala bar kooxda inay ciyaarto. Taasi waa nacasnimo. Iyo Qalbijab. Taasi waxay muujinaysaa in bulshooyinka siiya gabdhahooda fursadaha wiilashooda oo kale, aad bay u dadaal badan yihiin , si dhaqso leh ayay u hoorumaraa, waxay u badan tahay inay guuleystaan. Barack Obama
-ASIA'S BRAIN
W/Q; E N G - A S I A -







ReplyDeleteWaa qoraal muhimad wayn uleh bulshada Soomaliyeed aynatahay in la akhriyo lana fahmo si aynu u helo hablo badan oo aqoon tayo sare leh ku hubaysan horaa lo yidhi: " gabadh wax baratay waa bulsho wax baratay "
Mahadsanid Eng Asia