KA FIKIRIDA NOLOSHA


KA FIKIRIDA NOLOSHA

Waxaan wada ogsoonahay in noloshu ay tahay waxa ugu muhiimsan ee aan hada heysano.Waa Hadiyad, Nolol la'aan, waxba ma nihin.

Weligaa maad isweydiisay ujeeddada jiritaankaaga? Maxaad halkan u joogtaa dadka qaar waxay dhahaan noloshu wax micno ah malahan. Laakiin qaarkeena kale waxaynu aaminsan nahay in nolosheennu hore u qornayd. Waxaynu unimi ujeedo.Laakiin waa maxay noloshu? Maxaynu  u dareenaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha? 

Maxa nolosha kadhigay  mid aad u adag? Waxaan ogaaday , 10% waa waxa kugu dhaca 90% waa sida aad uga falceliso.

 Noloshu waa qurux laakiin way adagtahay, waxay leedahay dhibaatooyin, Farxad, murugo, guul, guuldarro, maalin-habeen waa labada dhinac.

Ma jiro qof bani aadam ah oo Dunida jooga, xoog leh, awood badan, caqli badan ama hodan ah, oo aan soo marin, halgan, dhibaato iyo guuldarro midna.

Shaki kuma jiro, inay noloshu tahay  qurux  ayna ku  fiicantahy dabaaldeg in lagu noolaado, laakiin qofku waa inuu mar walba diyaar u ahaadaa inuu wajaho dhib iyo caqabado. Qofka aan la kulmin dhibaatooyin nolosha waligiis ma gaadhi karo guulo.

Dhibaatooyinku waxay tijaabiyaan geesinimada, samirka, adkeysiga iyo dabeecada dhabta ah ee aadamaha. Dhibaatooyinku waxay qofka ka dhigaan kuwo adag oo diyaar u ah inuu wajaho caqabadaha nolosha.



W/Q  E N G-  A S I A - 

Comments

Popular posts from this blog

To the Generation That Will Change the World

Wax bixintu maaha lacag oo kaliya, markaa uma baahnid inaad lacag yeelato!!!