To the Generation That Will Change the World

You will shine in this world, and you will achieve everything you desire if you continue to put in extra effort. Will you allow anyone to destroy your peace of mind? The answer is no!

You are on the right path toward achieving your dreams. You must prepare yourself for everything you are passionate about, because you are the hero of your family, your community, and your country.

Try to be active, invest in self-learning, become your own motivator, and never be afraid to take risks. If you want to touch the sky, you must accept that you may fall many times. What I mean is, every challenge requires patience and resilience.

No matter how people interfere in your life, be like a strong rock standing firmly in front of them. Stay confident in your mindset and your words.

Keep motivating yourself. Try thousands of ways and come up with the best one. Do not lose hope if some of them fail.

You are not alone. There are thousands of people facing even greater struggles than you, yet they never stopped because they started a very difficult journey.

Finally, to the next generation: learn about yourselves. Do not blindly follow negative ideas, beliefs, or harmful traditions. Instead, inspire others to follow you and become a role model in your community, your classmates, and your friends.

Try to share this short message so your friends can benefit from it.

Do not lose hope. Be wise, patient, and unstoppable in pursuing what you want to achieve.

“You are luckier than you think. Just believe in yourself, and everything will come to you at the right time.”







Jiilka naga  Danbeeya!!!!!!!!!!!!!!!

Waad kasoo  dhalaali doontaa aduunka  oo waxaad gaadhi doontaa wax kasta oo aad rabto haddii aad sii wado dadaal dheeraad ah.

Ma qof baad u oggolaan doontaa in uu baabi'iyo xasilloonida maskaxdaada, waa maya!  Waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd ee aad ku raadin lahayd riyadaada. Waa inaad u diyaar garowdaa wax kasta oo aad danaynayso, waayo waxaad tahay halyeyga faamilkaaga, bulshadaada iyo dalkaaga.

Isku daya inaad noqoto  mid firfircoo, baro naftaada noqo dhiirigeliye nafeed oo ha ka baqin inaad halis gasho.

Haddii aad rabto inaad taabato cirka, waa inaad aqbashaa inaad dhici karto marar badan. Waxaan uga socdaa caqabad kastaa waa inaad u samirto iskana difaacdo.

 

Si kasta oo ay dadka kuu farageliyaan, u noqo sidii dhagax oo akale hortoodana yaala , oo ku qanci maankaaga iyo hadalkaaga.

 

Sii wad dhiirigelinta naftaada, tijaabi kumanaan siyaabood oo la imow ta ugu fiican. Hana niyad jabin marka midkoodna shaqayn waayo.

Adiga keligaa maaha, waxaa jira kumanaan kale oo kaa dhib badan, laakiin ma joojin, sababtoo ah waxay bilaabeen halgan aad u adag.

 

Ugu danbayntii;

Nafihiina barta, ha raacina fikradaha xunxun ee dadka iyo caqiidooyinka iyo dhaqanka midna taa beddelkeeda dadka kale ku dhiiri geli inay kugu daydaan oo aad tusaale u noqoto bulshadaada, ardayda aad isku fasalka tihiin iyo asxaabtaadaba. .
 

Ha lumin rajada, noqo qof caqli badan oo dulqaad leh oo aan waxba kaa joojinayn waxa aad rabto inaad gaadho.

 

“Waad ka nasiib badan tahay sidaad u malaynayso, kaliya rumayso naftaada wax walba way kuu iman doonaan waqtiga saxda ah.”

 

#Azia

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

KA FIKIRIDA NOLOSHA

Wax bixintu maaha lacag oo kaliya, markaa uma baahnid inaad lacag yeelato!!!