Wax bixintu maaha lacag oo kaliya, markaa uma baahnid inaad lacag yeelato!!!
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad noloshaada ka dhigi kartid mid farxad leh waa inaad qof kale ka farxiso oo aad ka dhigto noloshiisa mid faraxsan.
Waxaan aaminsanahay in ay jirto ficilo aad u fudud oo aad
samaynkarto markaad doonaysid inad qof maalintiisa uga dhigto mid aad u
wanaagsan, Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa naxariis yar iyo ereyo kooban. Runtii
waa wax aad u sahlan in la sameeyo.
Caawinta dadka waxay calaamad u tahay inay tusto inaad daryeeshay. Waxaan hubaa in qof walba uu qof kale caawiyay ugu yaraan hal mar, maadaama ay tahay wax caadi ah. Intaa marka aynu ka nimaadno waxaan doonayaa inan qormadan kooban ku sheego waqtiyo kala duwan oo aan qof ama ubad yaryar maalintoodii uga dhigay mid xasuus ku lahaan doonta anigoo idinku tusaya sawir ahaan.
Naxariista iyo daryeelka waa kuwo la kala qaado. Marka aan
aragno qof samaynaya wax naxariis ah ama ka fikiraya, ama aan qof wax wanaagsan
u samynayno, waxay nagu dhiirigelisaa in aan sidoo kale samayno., naxariistu way
faaftaa , iyada oo saamaynaysa
habdhaqanka dadka aan waligood arag daryeel. Naxariistu runtii waa furaha abuurista
farxad badan.
Ugu dambeyntii, waxaa si cilmiyeysan loo caddeeyey in ka
farxinta dadka kale ay u horseedayso farxad weyn naftaada. Haddaba maxaad
sugaysaa? Bilow oo adduunka ka dhig meel farxad badan.
Asia's Brain
W/Q ENG-AZIA

Comments
Post a Comment