"Ma jiro tiir ka weyn xasilloonida marka loo eego gabadh xoog leh, xor ah, oo wax baratay."......

Boggan Waxaynu ku eegaynaa sababta Dumar ka iyo hablaha da'yarta ahi ay ugu baaqdaan iskuulka inkasta oo waxbarista gabdhaha ay faa iidooyin badan u  leedahay Caafimaadka,Barwaaqada iyo Amniga.

Waxaynu sharaxayaa wax badan oo ku saabsan saameynta nabad gelyo, Waxbarasho tayo leh, wuxuuna ina tusayaa caqabadaha ka hor istaagaya inay waxbarasho helaan.



WAXBARISTA HABLUHU WAA MID AAD IYO AAD U MUHIIMA

Hablaha  hela waxbarasho badanaa ma  guursadaan iyagoo da’yar waxay jecelyihiin inay ku noolaadaan nolol caafimaad leh, oo wax soosaar leh, waxay soo saran dakhli sare, waxay ka qayb qaataan go’aamada inta badan saamaynya iyaga, waxayna dhisaan mustaqbal wanaagsan iyaga iyo qoyskoodaba.

Waxbarashada habluhu waxay xoojisaa dhaqaalaha, waxayna yaraysaa sinaan la’aanta

Gabdhuhu waxay xaq u leeyihiin xuquuq waxbarasho oo la mid ah tan wiilasha. Gabdhaha waxbartay waxay sameyn karaan xulashooyin xog ogaal ah - iyo xulashooyin aad u fiican. Waxbarista gabdhaha waxay badbaadisaa nolosha waxayna dhistaa qoysas, bulshooyin iyo dhaqaale xoog leh. Tirada hablaha ah ee waxbartay waxay kordhisaa wax soo saarka dalka waxayna Kordhisaa kobaca dhaqaalaha.


Caqabadaha Ka Hortaagan Waxbarshada Hablaha

Waxaan idinla wadaagaaya todoba qodob oo ka mida caqabadaha sababaya waxbarasha la'aanta hablaha;-

1. Saboolnimada iyo Shaqalaysiinta Carruuurta

Gabdhaha ka soo jeeda qoysaska saboolsan iyo kuwa reer miyiga ahi waxay la kulmaan khasaarooyinka ugu badan sababtoo ah waalidiinta ayaa ka aqoon yar sidaa darteedna waxaa laga yaabaa in aanay qiimayn waxbarashada. Bulshada reer miyiga ah waxay leeyihiin nidaamyo inta badana gabdhaha ku khasba inay shaqeeyaan ama maareeyaan gurigooda.

Hablo badan waxay ku bilaabaan shaqada guriga ugu yaraan shan sano jir - inta badan xoolo raacid iyo guryaha iyagoo shaqaale guri ah. Carruurta ka shaqeysa guryaha ayaa ku yar ama aan helinba helitaanka waxbarashada sababtoo ah waalidka miyiga jooga ee ay ushaqaynyaan u oggolaan maayo inay iska diiwaangeliyaan dugsiga.




 2.Daryeelka Ehelka

Dumarka iyo hablaha yaryari waxay ka simanyihiin la dareemida  culayska iyo daryeelka xubnaha qoyskooda iyo ehelka xanuusan tani waxay saameeyn ku yeelanaysaa inay iskuulada ka xaadiri kariwaayaan oo ay wakhtina u waayan.

 3.Biyaha iyo nadaafadda

Biyo la’aan iyo nadaafadda awgeed, gabdhaha   ku nool dhulalka soomaalidu badanaa iskuulada kuyaala goobohoodu malaha suuliyo iyo biyo, fasax yar oo ay classka kaga baxaan waxay lix saacadood ku qaadan karaan maalin walba soo raadinta  biyaha.  Gabdhahaas aada iskuulku badanaa wey ka baxaan markay bilaabaan xaalada menstruate ka sababtoo ah  ma jirto meel caadiya  oo ay nadaafaddooda ku hagaajistaan.

 4.Isku dhaca iyo xaaladaha degdegga ah

Gabdhaha ku nool meelaha ay colaaduhu saameeyeen 90% ayay u badan tahay inay ka baxaan dugsiga sare marka loo eego kuwa ku nool meelaha nabdoon. Iskuulada waxaa lagu burburin karaa xaaladaha isku dhaca,  Waalidiinta oo ay  cabsi galin karto inay gabdhahooda u diraan iskuulka,  Xaaladaha degdegga, oo ay ku jiraan masiibooyinka dabiiciga ah, saboolnimada sii kordhaysa ee qoysaska iyo fursadaha shaqo la'aanta waxay saamayn kartaa  in gabdhuhu ay halis sare ugu jiraan guurka degdegga ah ama ay ku dhammaadaan xaalado kufsi.

 5.Guurka Caruurta



Sannad kasta 14 milyan oo gabdho ah oo Soomali ku jirto  oo ka yar 18 sano ayaa noqda xaasas - celcelis ahaan 35,000 maalin kasta. Guurku wuxuu joojiyaa waxbarashada gabdhaha iyagoo  aan  helin xirfado ka saari kara faqriga. Qaar badan dib uguma noqon karaan dugsiga guurka kadib maxaa yeelay ma awoodaan inay iska bixiyaan khidmadaha iskuulka iskuma na manage garn karaan  guriga iyo dugsiga. Guurka carruurta ayaa sidoo kale macnaheedu yahay in gabdhuhu yeeshaan uurar is xigxiga , taas oo sababaysa heerarka sare ee gabdhaha ka tagaya dugsiga.

6.Uurka (PREGNANT)

Sannad kasta qiyaastii 15 milyan oo gabdhood oo u dhexeeya 12 iyo 19 ayaa umula. Cuqdad, taageero la’aan iyo  takooris ku saabsan uurka, ayaa ka reebay gabdhaha dugsiga, taas oo ku khasbaysa inay guriga joogaan oo ay daryeelaan carruurtooda. Daryeelka caruurta iyo barnaamijyada iskuulka ee dadka  jilicsan ama fasalada dadka waaweeyn ma laha iyagu.

7.Naafo

Caalamka oo dhan inta udhaxeysa 93 milyan ilaa 150 milyan oo caruur ah oo isugu jira  soomaali iyo dadyawkale  ayaa naafo ku nool sida aan kasoo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka iyo Bangiga Adduunku waxayna ku qiyaaseen in waddamada qaarkood "inta naafada ah ay ka badan tahay laba jibbaar fursadda aan waligood iskuul la qorin".

Gabdhaha naafada ah waxay la kulmaan takoor , taas oo ka dhigaysa inay ka mid yihiin kooxaha carruurta la takooro.


Maxay Wax Barashada Habluhu Muhiim U Tahay?




ilmo walba wuxuu xaq u leeyahay inuu barto oo uu helo waxbarasho tayo wanaagsan leh, iyada oo aan loo eegin jinsiga, meesha uu ku nool yahay ama duruufaha ay ku sugan yihiin.

Sababtoo ah gabdhaha waxbartay waxay samayn karaan xulashooyin xog ogaal ah oo kaladuwan oo u fiican, waxbarista gabdhahu waxay badbaadisaa nolosha waxayna dhistaa qoysas xoogan, bulshooyin iyo dhaqaale. Marka ay helaan waxbarashon gabdhuhu way fahmi doonaan xuquuqdooda, waxay yeelan doonaan dareen weyn.


1.Kobaca dhaqaalaha


Waxbarashada gabdhaha iyo wiilashu waxay kordhisaa waxsoosaarka waxayna kaqeyb qaadataa kobaca dhaqaalaha. Adduunweynaha, Habluhu kuma jiraan suuqa shaqada rasmiga ah ama waxa looyaqaano (formal job market) sida ragga laakiin daraasado badan oo la sameeyay waxay muujinayaan inay jiraan faa'iidooyin dhaqaale haddii loo oggolaado inay ka mid noqdaan shaqaalaha.

Gabdhaha waxbaratay waxay heli karaan shaqo fiican oo leh mushahar sare. Heerarka waxbarasho ee kordhaa waxay saamayn fiican ku leeyihiin mushaharka haweenka.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay'adda Shaqaalaha Caalamiga ah, "Waxbarista gabdhaha ayaa la cadeeyay inay tahay mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee lagu jabiyo wareegyada saboolnimada waxayna u badan tahay inay saameyn weyn ku yeelato helitaanka shaqooyinka rasmiga ah."

2.Aqoonta caafimaadku waxay badbaadisaa nolosha carruurta

Ilmaha  ay dhasho hooyo waxbaratay waxay u badan tahay 50% inuu badbaado marka aan kuleeyahay badbaado yacni uu ka badbaado waxyaabo khatar ku ah oo  lagaa hortagi karo.  Afartankii sano ee la soo dhaafay,waxbarshada hablhaa oo kordhay  darted ayaa ka hortagtay korodhka dhimashada ilmaha.

Hooyooyinka waxbartay ayaa sifiican u fahansan nadaafada, nafaqada iyo talaalka caruurtooda, taasoo u horseedaysa yaraanta caruurta u dhinta cudurada laga hortagi karo sida shubanka, oof-wareenka iyo malaariyada ama nafaqo daro. 

 3.Qoysasyar oo Habaysan

Waxbarashada gabdhaha waxay gacan ka geysaneysaa yareynta korodhka dadka, hablaha waxbartay waxay leeyin tiro yar oo ubad ah  sidoo kalena uma badna inay uur qaadaan markay ay  da’ yaryiihin.

 4.Guurka Caruurnimada oo yaraata

Gabdhaha waxbarashada kufiican uma badna in caruurnimadooda la guursado waxayna raadsadaan inay helaan fursado ay nolol caafimaad iyo barwaaqo ugu noolaadaan naftooda iyo qoysaskoodaba.

 5.Waxay Si fiican ugu  diyaar garoobaan  aafooyinka dabiiciga ah iyo isbedelada cimilada

Heerarka sare ee waxbarashadu guud ahaan waxay ka caawiyaan qoysaska sidii loogu diyaar garoobilahaa  la-qabsiga afooyinka gaar ahaan waxbarashada habluhu.

Daraasad uu sameeyay Bangiga Aduunka 2010 ee wadamada soo koraya laga soo bilaabo 1960 ilaa 2003 ayaa lagu ogaaday in wadamada leh heerarka sare ee hablo waxbaristu  badanaa inaysan la kulmin tiro badan oo dhimasho, dhaawac, iyo barakac ah aafooyinka cimilada.

 6.Xirfado badan oo ay ku noqon karaan  hoggaamiyeyaal

Waxbarashadu waxay ka caawisaa hablaha  inay helaan xirfadaha loo baahan yahay si ay ula wareegaan kaalimaha hoggaaminta ee heerarka maxalliga ah iyo kuwa heer qaran. Hablaha  sida fiican wax u bartay waxay badanaa   ku biiraan hay'adaha, ha ahaadaan kuwa mutadawiciin ah ama kuwa la doorto, halkaasoo ay uga qayb qaadan karaan go'aannada saamaynta ku leh noloshooda iyo tan bulshada.


Kuwani waa odhaahyo laga qoray dad dunida magac ku leh:-

 

-Haddii aan dooneyno inaan aragno horumar dhab ah oo adduunka ah markaas maalgashigeenna ugu fiican waa DUMAR! Desmond Tutu

-Waa inaynu ku dul -qornaa sharciga ugu sarreeya ee dalka, mabaadi'da adag ee dhowraya xuquuqda haweenka.Nelson Mandela

-Kasoo qaad, inagoo ku jirna  xarun isboorti. Bal qiyaas haddii aad haysato koox oo aadan u oggolaan kala bar kooxda inay ciyaarto. Taasi waa nacasnimo. Iyo Qalbijab. Taasi waxay muujinaysaa in bulshooyinka siiya gabdhahooda fursadaha wiilashooda oo kale, aad bay u dadaal badan yihiin ,  si dhaqso leh ayay u hoorumaraa, waxay u badan tahay inay guuleystaan. Barack Obama

 

-ASIA'S BRAIN

W/Q;  E N G - A S I A -

Comments


  1. Waa qoraal muhimad wayn uleh bulshada Soomaliyeed aynatahay in la akhriyo lana fahmo si aynu u helo hablo badan oo aqoon tayo sare leh ku hubaysan horaa lo yidhi: " gabadh wax baratay waa bulsho wax baratay "
    Mahadsanid Eng Asia

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

KA FIKIRIDA NOLOSHA

To the Generation That Will Change the World

Wax bixintu maaha lacag oo kaliya, markaa uma baahnid inaad lacag yeelato!!!