Haddii aad is odhan lahayd inay waxyaalahani dhicikaraan

 TUSAALOOYINKA UGU WANAAGSAN EE NOLOSHA

Halkii aad is odhan lahayd inay waxyaalahani dhici karaan waqti uun noloshaada ka mid ah, maxaa diidaya inaad sameyso liistada yoolalka nolosha oo aad xoogga saarto sidii ay u dhici lahaayeen.

U adeegso liistiyadan si aad u bilowdo oo aad u aragto halka ay ku geyneyso.

Tusaalooyinka Himilooyinka Nolosha

Himilooyinka nolosha ayaa kaa caawinaya inaad la xisaabtanto. Xisaabtankaani waa mid naftaada u yaal oo aan cid kale jirin. Ka fikir iyaga sida heshiis qarsoodi ah oo aad naftaada la gasho. Xulashada inaad wadaagto iyaga ayaa gabi ahaanba adiga kugu xidhan.

 

 Daryeelka nafta

·         Aamin Naftaada



·         Samee jimicsi subax ah

·         Seexo hurdo kugu filan

Horumarka Shakhsiyeed

·         Qeex qiimahaaga asaasiga ah

·         Buug Qor

·         Ka qaybgal aqoon is wadaarsi

·         Raadi Podcast aad jeceshahay

·         Raadso qof hage ama lataliye kuu noqda

·         Baro luuqad cusub

·         Qor ujeedada noloshaada

·         Qof hage u noqo

Maaliyadda

·         Daynta Iska ilaali

·         Samayso Sanduuq Dhaqaale

·         Samayso la taliye maaliyadeed

Xidhiidhka

·         Samee saxiibtinimo adag

·         Ha seexan adigoo xanaaqsan

·         Garaacitaan samee halkii aad fariin qorilahayd

·         Asxaabta/Waalidkaaga u same casho sharaf

·         Baro inaad noqoto waalid wanaagsan

 

Safarka

·         Socdaal dalxiis

·         Booqo ugu yaraan toban dal

·         Soo arag ugu yaraan 20 gobol

·         Booqo buuro caana

·         Ka qaybgal munaasibad dhaqameedyo dibada ah

Shaqada

·         Kordhi xirfadahaaga hogaamineed

·         Noqo shaqaale wanaagsan

·         Abuur il labaad oo dakhli

·         Horumri hamigaaga

Caafimaadka / Jimicsiga

·         Samayso baadhitaan sanadle ah

·         Cun cuno cafimaad leh

·         Marwalba isku day qaab jimicsi oo cusub

 

Hal-abuurnimo

·         Qaado Casharo cod ah

·         Qaado Casharo farshaxan ah

·         Raadi hiwaayad cusub

·         Hayso joornaal farshaxan

·         Wax alifo

·         Samee Albam sawiro ah sanadkii

 

Waxbarashada

·        Akhri Wiigii buug

·        Wax khabiir ku noqo

·        Baro luuqad qalaad

·        Baro dubista

·        Beer Beer

 

Sadaqo

  • ·         Wax sadaqayso
  • ·         Dhar Masaakiinta ugu deeq
  • ·         Iskaa wax u qabso ugu shaqee bulshada
  • ·         Tabaruucad usamee dal shiisheeye
  • ·         Bilaw olole lacag uruurin
  • ·         Ka shaqee xarun lagu xanaaneeyo duurjoogta

  

Waxaan rajeynayaa in tusaalooyinkaan hadafyada nolosha ay kaa caawin doonaan inaad ku bilowdo listkaaga. Qaado waqtigaaga. Noloshu way is beddeli doontaa.


-ASIA'SBRAIN



Comments

  1. Oh my goodness this is very important for my life may Allah keep saving Eng Asia

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

KA FIKIRIDA NOLOSHA

To the Generation That Will Change the World

Wax bixintu maaha lacag oo kaliya, markaa uma baahnid inaad lacag yeelato!!!