Curyaamintii Koritaanka Dhaqaale ee Dalkeena

 



 Waa qaarada labaad ee ugu weyn aduunka, waxayna ku fadhidaa ilaa 31 milyan oo kilomitir laba jibaaran waxayna haysataa  20% baaxadda dhuleed ee dhulka.

Waxay hoy u tahay ilaa 1.216 billion waana qaarada ugu dadka badan marka laga reebo Qaarada Asia (dadka Hindiya iyo Shiinaha).Waxaa intaa u dheer, qaaraddu waa mid ka mid ah meelaha ugu qanisan ee kheyraadka dabiiciga ah.

Marka laga soo tago Africa, Dalkeenu  wuxuu leeyahay kayd kheyraad badan oo dabiici ah oo aan weli laga faa’iidaysan, oo ay ka mid yihiin Dahab(Gold), Yuranium, iron, tin, gypsum, bauxite, copper iyo gaasta dabiiciga ah iyo macdano kale oo ad u farabadan oo qiimo leh.

Haddii aynu ka warano qaar kamida khayraadka dalkeena waxaynu soo qaadanaynaa Yuuraniyam ta. Kaydka Yuuraaniyamta ugu badani waxay ku taal Galmudug. Waxaana lagu qiyaasaa 10,200 oo tan oo kayd Yuraaniyaam ah, iyadoo 7,600 oo tan oo ka mid ahi ay suurtagal tahay in ganacsi wayn laga kasbado.

Waxaynu haysanaa 0.20 trillion cubic feet  kayd gaas ah oo la xaqiijiyay 2017kii, wuxuuna dalkeenu kaga jiraa kaalinta 87aad aduunka.

Kheyraadkeena ugu qaalisanina waxaa kamida xoolo nool,beero iyo dhul ay ka buuxaan caws iyo dhir kale oo ku habboon daaqa xoolaha, gaar ahaan lo'da ama xoolaha kale.

Haddii aynu dib u egno Soomaalidii hore waxa ay ahaayeen kuwo qiimeeya, qaddarin buuxda na siiya dhaqankooda, Waxa ay ahaayeen dad ku faana kuna fara-adayga hiddahoodii wacnaa ee aan saluugga lahayn.

Sida aynu wada ognahay sooyaalkii taariikheed ee soomaalidii hore waxa qiimaha iyo qaddarinta ba la siin jiray dhaqanka.

Imika dhaqankii soomaalida ee bilicda, haybada iyo hannaanka wacnaa wuu sii daciifay, lagu soo duulay, lana aasay. Sababtoo ah dhawr sanadood ka hor waxaynu lahayn warshado inoo gaara lamana ogalayn in dibada cunto laga soo dhoofiyo, ama aynu helno kaalmo shisheeye, waxaynu iscticmaali jirnay muruqeena iyo maskaxdeena.



Iyada oo ay sidaa tahay haddana nabad-gelyo-xumada, ilaalin la’aanta dawladdeed, iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo noqnoqda ayaa bulshada soomaaliyeed sabab u noqday inay ka faai’daystaan dalal shisheeye oo ay ka toogtaan awoodii ay la haanjiiren sanado badan kahor.

Caawimada ama qaadhaanka shisheeyuhu  waxay waxyeelo weyn u tahay dadkeena soomalida.

 Ma ogtahay in qaadhanku  si wayn oo xun u curyaamiyo koritaanka dhaqaalaha dalkeena, gobolo badan ayaana weli si weyn ugu tiirsan kaalmo shisheeye.

Haayaduhu waxay tagaan goob walba oo dalka kamida iyagoo xooga saaraya meel walba oo xoolo lagu dhaqdo, beero lagu qoto, si ay ugu qoraan biil una siiyaan raashin iyagoo ula jeeda inanay waxba qabsan oo xoogooda la soo bixin, intaa kaliya kuma eeka, waxay u qaybiyaan  baco ay hoy ku dhistaan iyagoo la dagaalamaya awoodooda ah inay dhistaan aqalsoomaaligii ay gacantooda ku samaysanjireen.

Waxsoosaarka xoolahu wuxuu shaqo siin karaa wax ka badan  60% dadweynaha  misna dakhliyada laga helo xoolaha wuxuu dhigmaa in ka badan 80% dakhliyo lacag uu dalku dibedda ka helo. Dalku wuxuu heer labaad kaga jiray caalamka xagga dhoofinta idaha (ama adhiga).

Waxaa nasiib xumo ah in subagii xoolaha caanihii iyo dharkii hiddaha iyo dhaqanka inaynu ka keensano dalka dibadiisa. Sidookale khudaartii aynu lasoo bixi jirnay in inaloo soo dhoofiyo

Si kasta ha ahaatee, ma ogtahay in qaadhaanka shisheeye uu ku guuldareystay inuu keeno koboc dhaqaale oo waara uuna dhimo faqriga.

Xaqiiqdii  qaadhaanka  shisheeye imikadaa la joogo wuxuu ku  guuldareystay inuu gaaro yoolalka dhimista faqriga ee dalka  waana mid cad xogtani.In ka badan boqolaalkun oo  sabool ah ayaa maanta ku nool dalkeena.

Dalkeenu  waa dalka  kaliya ee aduunka ee qaadhaanka  soo galaa uu ka sare maro dhaqaaleheena  gaar ka ah. Tani waa dhibaato maadaama uusan jirin waddan adduunka ka mid ah oo gaaray horumar la taaban karo oo ku saleysan ku tiirsanaanta qaadhaanka.

Tani waxay tilmaamaysaa baahida loo qabo in dib la isugu noqdo oo aynu ka fikirno.

Joojinta kaalmahaa shisheeye waxay ina siinaysaa fursad wayn oo aynu ku kobcino dhaqaalaheena kuna dhino faqriga wadankeena.

Sidoo kale aynu soo celino hindisayaashii iyo firfircoonidii bulshadeena.

Haddii aynu haayadaha ka saarno wadankeena  oo aynu baabiino habka dhaqaale ee ku tiirsanaanta kaalmaha shisheeeye, oo madaxdeenu u haystaan in caawimadu ama kaalmuhu tahay il dhaqaale.

Waxaynu noqonaynaa dad firfircoon oo  ka shaqaysiiya maskaxdooda sameeya hal-abuur cusub , iyagu ka shaqeeya sidii ay aduunka ugu dhoofin lahyeen wax soosaarkooda, horumariya  ganacsiyada, iyo  cashuuraha.

Dunidani markaad dib u eegto runtii bulsho kastoo meel degani  inta baddan horumarkeedu waxa uu ku xidhan yahay  hadba bulshadaas siday iyadu isu dhisto ama ay uga qeyb qaadato horumarka dalkeeda iyo dadkeeda.

Dhalinyaraduna waa xooga ugu fir fircoon ee ummad walibaa leedahay, waana muraayada kaliya ee laga arko waxa bulsha kastaa ku danbeyn doonto mustaqbalka, oo hadii ay kaalintoodu tahay karti iyo hufnaan la saadaaliyo in mustaqbaka ummadaasi uu himilo wanaagsan ku danbeyn doono, sababto ah waxay yihiin hogaanka iyo mustaqbalka bari. Waana kuwa dalkooda iyo dadkooda meel gaadhsiin kara.

Akhriste hadafka qormadani waxaan uga dan leeyay in aynu isla eegno  fikrado aynu dib ugu soo celin karno awoodeeni kuna diidno qaadhanada shiisheeyihu ku curyaaminayo maskaxdeena.  

Waxaan soo qaadanayaa saddex fikradood oo aan u arkayo in aynu wax kaga bedlno danta dalkeena iyo dadkeenaba:-

  • ü  Waa in aynu dadkeena ku dhiiri gelinaa sidii ay ugu guuri lahayeen wax soosaarka beeraha iyo dhaqashada  iyo dhoofinta xoolaha, Sidookale  Madaxdeenununa inay dib u fikiraan  oo ay joojiyaan barnaamijyada ku tiirsanaanta kaalmaha shisheeyaha.
  • ü  Qaadhaanka  dhaqaalaha ee shiiisheeyaha  in aynu meel saarno si aynu  u gaadhno  kobac dhaqaale oo  joogto ah qofkastana  lagu dhiirigeliyo siduu uu ugu guurilahaa wax soo saarka beeraha
  • ü   Dawladeenu waa inay keento barnaamijyo horumarineed oo kor loogu qaadayo dakhliga taasoo horseeda hoos u dhigista ku tiirsanaanta qaadhaanka.
 





#HADDII AAD AKHRIDAY QORMADAN FIKIRKAAGA AMA IDEA HAAGU WAA MUHIIM INAAD QABYTA COMMENT KU DHAAFTO

 

ASIA’S BRAIN

W/Q; ENG-AZIYA

Comments

Popular posts from this blog

KA FIKIRIDA NOLOSHA

To the Generation That Will Change the World

Wax bixintu maaha lacag oo kaliya, markaa uma baahnid inaad lacag yeelato!!!