Curyaamintii Koritaanka Dhaqaale ee Dalkeena
Waa qaarada labaad ee ugu weyn aduunka, waxayna ku fadhidaa
ilaa 31 milyan oo kilomitir laba jibaaran waxayna haysataa 20% baaxadda dhuleed ee dhulka.
Waxay hoy u tahay ilaa 1.216 billion waana qaarada ugu dadka badan
marka laga reebo Qaarada Asia (dadka Hindiya iyo Shiinaha).Waxaa intaa u dheer,
qaaraddu waa mid ka mid ah meelaha ugu qanisan ee kheyraadka dabiiciga ah.
Marka laga soo tago Africa, Dalkeenu wuxuu leeyahay kayd kheyraad badan oo dabiici
ah oo aan weli laga faa’iidaysan, oo ay ka mid yihiin Dahab(Gold), Yuranium,
iron, tin, gypsum, bauxite, copper iyo gaasta dabiiciga ah iyo macdano kale oo
ad u farabadan oo qiimo leh.
Haddii aynu ka warano qaar kamida khayraadka dalkeena waxaynu soo
qaadanaynaa Yuuraniyam ta. Kaydka Yuuraaniyamta ugu badani waxay ku taal
Galmudug. Waxaana lagu qiyaasaa 10,200 oo tan oo kayd Yuraaniyaam ah, iyadoo
7,600 oo tan oo ka mid ahi ay suurtagal tahay in ganacsi wayn laga kasbado.
Waxaynu haysanaa 0.20 trillion cubic feet kayd gaas ah oo la xaqiijiyay 2017kii, wuxuuna
dalkeenu kaga jiraa kaalinta 87aad aduunka.
Kheyraadkeena ugu qaalisanina waxaa kamida xoolo nool,beero iyo dhul
ay ka buuxaan caws iyo dhir kale oo ku habboon daaqa xoolaha, gaar ahaan lo'da
ama xoolaha kale.
Haddii aynu dib u egno Soomaalidii hore waxa ay
ahaayeen kuwo qiimeeya, qaddarin buuxda na siiya dhaqankooda, Waxa ay ahaayeen
dad ku faana kuna fara-adayga hiddahoodii wacnaa ee aan saluugga lahayn.
Sida aynu wada ognahay sooyaalkii taariikheed ee
soomaalidii hore waxa qiimaha iyo qaddarinta ba la siin jiray dhaqanka.
Imika dhaqankii soomaalida ee bilicda, haybada
iyo hannaanka wacnaa wuu sii daciifay, lagu soo duulay, lana aasay. Sababtoo ah
dhawr sanadood ka hor waxaynu lahayn warshado inoo gaara lamana ogalayn in
dibada cunto laga soo dhoofiyo, ama aynu helno kaalmo shisheeye, waxaynu iscticmaali
jirnay muruqeena iyo maskaxdeena.
Iyada oo ay sidaa tahay haddana nabad-gelyo-xumada, ilaalin la’aanta dawladdeed, iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo noqnoqda ayaa bulshada soomaaliyeed sabab u noqday inay ka faai’daystaan dalal shisheeye oo ay ka toogtaan awoodii ay la haanjiiren sanado badan kahor.
Caawimada ama qaadhaanka shisheeyuhu waxay waxyeelo weyn u tahay dadkeena
soomalida.
Ma ogtahay in qaadhanku si wayn oo xun u curyaamiyo koritaanka
dhaqaalaha dalkeena, gobolo badan ayaana weli si weyn ugu tiirsan kaalmo
shisheeye.
Haayaduhu waxay tagaan goob walba oo dalka kamida iyagoo xooga
saaraya meel walba oo xoolo lagu dhaqdo, beero lagu qoto, si ay ugu qoraan biil
una siiyaan raashin iyagoo ula jeeda inanay waxba qabsan oo xoogooda la soo
bixin, intaa kaliya kuma eeka, waxay u qaybiyaan baco ay hoy ku dhistaan iyagoo la dagaalamaya
awoodooda ah inay dhistaan aqalsoomaaligii ay gacantooda ku samaysanjireen.
Waxsoosaarka
xoolahu wuxuu shaqo siin karaa wax ka badan 60% dadweynaha misna
dakhliyada laga helo xoolaha wuxuu dhigmaa in ka badan 80% dakhliyo lacag uu
dalku dibedda ka helo. Dalku wuxuu heer labaad kaga jiray caalamka xagga
dhoofinta idaha (ama adhiga).
Waxaa nasiib xumo ah in subagii xoolaha caanihii iyo dharkii
hiddaha iyo dhaqanka inaynu ka keensano dalka dibadiisa. Sidookale khudaartii
aynu lasoo bixi jirnay in inaloo soo dhoofiyo
Si kasta ha ahaatee, ma ogtahay in qaadhaanka shisheeye uu ku
guuldareystay inuu keeno koboc dhaqaale oo waara uuna dhimo faqriga.
Xaqiiqdii qaadhaanka shisheeye imikadaa la joogo wuxuu ku guuldareystay inuu gaaro yoolalka dhimista
faqriga ee dalka waana mid cad xogtani.In
ka badan boqolaalkun oo sabool ah ayaa
maanta ku nool dalkeena.
Dalkeenu waa dalka kaliya ee aduunka ee qaadhaanka soo galaa uu ka sare maro dhaqaaleheena gaar ka ah. Tani waa dhibaato maadaama uusan
jirin waddan adduunka ka mid ah oo gaaray horumar la taaban karo oo ku saleysan
ku tiirsanaanta qaadhaanka.
Tani waxay tilmaamaysaa baahida loo qabo in dib la isugu noqdo oo
aynu ka fikirno.
Joojinta kaalmahaa shisheeye waxay ina siinaysaa fursad wayn oo
aynu ku kobcino dhaqaalaheena kuna dhino faqriga wadankeena.
Sidoo kale aynu soo celino hindisayaashii iyo firfircoonidii
bulshadeena.
Haddii aynu haayadaha ka saarno wadankeena oo aynu baabiino habka dhaqaale ee ku
tiirsanaanta kaalmaha shisheeeye, oo madaxdeenu u haystaan in caawimadu ama
kaalmuhu tahay il dhaqaale.
Waxaynu noqonaynaa dad firfircoon oo ka shaqaysiiya maskaxdooda sameeya hal-abuur
cusub , iyagu ka shaqeeya sidii ay aduunka ugu dhoofin lahyeen wax
soosaarkooda, horumariya ganacsiyada,
iyo cashuuraha.
Dunidani markaad dib u eegto runtii bulsho kastoo
meel degani inta baddan horumarkeedu
waxa uu ku xidhan yahay hadba bulshadaas
siday iyadu isu dhisto ama ay uga qeyb qaadato horumarka dalkeeda iyo dadkeeda.
Dhalinyaraduna waa xooga ugu fir fircoon ee ummad
walibaa leedahay, waana muraayada kaliya ee laga arko waxa bulsha kastaa ku
danbeyn doonto mustaqbalka, oo hadii ay kaalintoodu tahay karti iyo hufnaan la
saadaaliyo in mustaqbaka ummadaasi uu himilo wanaagsan ku danbeyn doono,
sababto ah waxay yihiin hogaanka iyo mustaqbalka bari. Waana kuwa dalkooda iyo
dadkooda meel gaadhsiin kara.
Akhriste hadafka qormadani waxaan uga dan leeyay in aynu isla
eegno fikrado aynu dib ugu soo celin
karno awoodeeni kuna diidno qaadhanada shiisheeyihu ku curyaaminayo
maskaxdeena.
Waxaan soo qaadanayaa saddex fikradood oo aan u arkayo in aynu wax
kaga bedlno danta dalkeena iyo dadkeenaba:-
- ü
Waa in aynu dadkeena ku dhiiri gelinaa sidii
ay ugu guuri lahayeen wax soosaarka beeraha iyo dhaqashada iyo dhoofinta xoolaha, Sidookale Madaxdeenununa inay dib u fikiraan oo ay joojiyaan barnaamijyada ku tiirsanaanta
kaalmaha shisheeyaha.
- ü
Qaadhaanka dhaqaalaha ee shiiisheeyaha in aynu meel saarno si aynu u gaadhno kobac dhaqaale oo joogto ah qofkastana lagu dhiirigeliyo siduu uu ugu guurilahaa wax
soo saarka beeraha
- ü Dawladeenu waa inay keento barnaamijyo horumarineed oo kor loogu qaadayo dakhliga taasoo horseeda hoos u dhigista ku tiirsanaanta qaadhaanka.
#HADDII AAD AKHRIDAY QORMADAN FIKIRKAAGA AMA IDEA
HAAGU WAA MUHIIM INAAD QABYTA COMMENT KU DHAAFTO
ASIA’S BRAIN
W/Q; ENG-AZIYA
Comments
Post a Comment