Fariin ku socota qofkasta oo dhalinyara ah...............
"Haddii aad maanta inta aad yartahay u quudhi waydo inaad wakhtigaaga in ka mid ah ku bixisid cibaadada, xusuusta ilahay iyo raaligelintiisi, dhawr sanadood dabadeed way kugu adkaanaysaa inaad sidaa samayso"...
Xaqiiqdii,
Mahad oo dhan Allaah baa
iska leh. Waa aynu ammaanaynaa, isagaan magan-galyo waydiisanaynaa, isaga
ayaana waydiisanynaa Cafis.
Waxaan Eebbe ka magan
galnay sharka nafteenna, iyo khaladaadka ficiladeena. ruuxii Eebbe hanuuniyo,
ma jiro mid marin -habaabin kara , midkasta oo marin-habaabsan ma jiro mid
isaga ahayn oo hanuunin kara. Taasna waan ka marag kacayaa.
Majiro mid mudan in la
caabudo ilaahay mooyee, waxaanan ka marag kacayaa in Nebi Muxammad (nabadgalyo
korkiisa ha ahaatee) uu yahay Rasuulkeena.
Dhab ahaantii
hadalka ugu runta badani waa hadalkii Eebe, hanuunka ugu fiicanina waa
Hanuunkii Nebi Muxammad
(nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).
Buugga
"Al-Fawa’id" wuxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee kutubtii Ibnu-Qayim.
Waxaa loo qoray sidii inuu yahay nin siddeetan jir ah, oo fadhiya oo ka
sheekaynaya waaya -aragnimadiisa nololeed.
Waxayna yihiin,sida uu
cinwaan uga dhigay, ‘"Al-Fawa’id’ (qodobbada dheefta). Wax kasta oo uu
qoray Ibnul Qayim waa kii ugu fiicnaa wixii Islaamku qoray.
Run ahaantii, Ibnu-Qayim
waa midho bislaaday oo aad u wanaagsan taas oo ka soo baxday Ibnu Taymiya.
Ibnu Taymiyah waxaa lagu
yaqaanay fahamkiisa ballaadhan iyo aqoon badni, wuxuuna noloshiisa qayb weyn ku
qaatay mujaahidnimo .
Hal mar, isagaa hoggaaminayey dagaal, markii madaxdii Shaam ay fadhiisteen
Iyagoo ka hor imaanayay Tataarka, oo ay yidhaahdeen: "Ma
awoodno inaan ka hortagno." Markaas buu Ibnu Taymiya wuxuu yiri: “Waan ka
hortagaynaa,” Allah ayaana siiyay guushii.
Ibnu Taymiyah wuxuu soo
saaray qof aadamaha ka sarreeya, oo dun wanaagsan,
qofkaasina wuxuu ahaa Ibnu alQayim.
Ibnu Qayim Wuxuu ahaa mid u saaxiib ah Cibaado iyo Tahajjud iyo
salaad aad u dheer, wuxuuna wehel ka dhigan jiray Dikriga ilaahay,
waxaana lagu arzaaqay Jacaylka Dikriga iyo u laabashada Alle, Marka uu tukado salaada subaxa ka ma kici jirin meesha
uu fadhiisto asagoo Ilaahey xusaya ilaa ay maalintu dheeraato. Wuxuu dhihi
jiray tani wa qadadeyda haddi aanan fadhiisan jidhkayga wuxuu beelayaa awooda
(quwwada). Wuxuu ku hawlanaanjiray cibaadada joogtada ah iyo
mashquulka joogtada ah ee Xasuusta ilahaay.
Kutubta uu qoray waxaa ka mid ah "Al-Fawa’id" wuxuu kaloo qoray buugaag ka hadlaya tarbiyadda, sida:- salaadda, soonka, xajka, dagaallada, dhaqannada caafimaadka, iyo kuwo kale,’
Kitaabkiisa ‘al-Fawa’id,’ wuxuu ku sheegay:
“Inay jiraan toban
arrimood oo aan waxtar lahayn oo aan laga faa'iidaysan karin:
- · . Aqoon aan la hirgelin
- · Ficil ka madhan
daacadnimo, oo aan ku dhisnayn tusaalaha saxda ah
- ·
Maalka la keydiyay,
maadaama uunu mulkiiluhu ku raaxaysan inta uu nool yahay, mana helo wax
abaalmarin ah aakhiro
- ·
Qalbiga ka madhan
jaceylka iyo u hilowga Eebbe, iyo raadinta u dhowaanshaha ilaahay
- ·
Jid aan Alle adeecin oo
u adeegin
- ·
Illaahay oo la jeclaado
iyada oo aan la raadin raalli ahaanshihiisa
- ·
Wakhti aan lagu bixin
dembidhaafka ama ka faa’iidaysiga fursadaha lagu fulin karo camalkawanaagsan oo
qofka Alle ugu dhowaada
- ·
Maskax ka fikirta
arrimaha aan faa'ido lahayn
- ·
U adeegida kuwa aan ku
soo dhoweynayn ilaahay ama ku anfaca noloshaada
- · Rajada iyo ka cabsashada qof Alle ka amar qaata,isagoo naftiisa oo kale ah haddana kasoo qaadaya inuu wax kasta ku jirto gacantiisa, isagoo keeni karin wax faa’iido ah, waxyeello, nolol, dhimasho.
Intaa kaddib, waxa ugu
weyn een qormadan kaga hadlaynaa waa luminta qalbiga, iyo luminta
waqtiga.
Luminta qalbigu waa
iyada oo laga doorbido nolosha adduun ta aakhiro, waqtiga oo la lumiyaana
waa iyadoo wakhtiga lagu lumiyo wax aan faa'ido lahayn.
Xumaanta oo dhami
waa raacitaanka rabitaanka qof kale, halka wanaagga oo dhan laga helo
raacidda waddada saxda ah iyo isu diyaarinta la kulanka Allaah.
Ka faa'iidayso
dhalinyaranimadaada, sababtoo ah maanta waxaad awood u leedahay inaad soonto,
berri, markaad gabowdo,
ma awoodi doontid inaad u adkayso xanuunka.
Hadda, waxaad
tahay qof dhalinyaro ah oo kici kara oo tukan kara saqda
dhexe. soonka
Maanta, waxaad haysataa
wakhtigii ugu fiicanaa.
Walaal waqtiga
dhalinyaranimadaadu, waa waqtigii halganka. waa waqtigii ay ahayd inaad ku
dadaasho oo aad wax u hurto!
Maanta kuma
haysato mas'uuliyado badan, maadaama aad keligaa tahay, ama aad
leedahay xaas kaliya iyo ilmo. Berri dhawr sanadood dabadeed,
mas'uuliyadaha ayaa isa soo taraya, waxaa soo badanaya dhibaatooyinka adduunka
kaa soo gaadha, oo aad jeceshahay inaad xalliso dhibaatooyinka qoyskaaga,
carruurtaada, iyo qaraabadaada -tani waxay qaadan doontaa waqti badan.
Haddaba, hadda, waxaad
ku jirtaa marxaladdii dhallinyarnimadaada, marxaladdii halganka iyo naf hurida.
Inta badan waxaan arkaa oo layaabaa qof dhalinyaro ah oo baqaya!
Maxaa uu u baqayaa?
Hadduu cabsado isagoo
da’dan ah, sidee buu berri ahaan doonaa? Muddadani waa muddadii ugu horraysay
ee nolosha qofka.
haddii aan eegno dadkii
markii hore guusha siiyay Diinta islaamka, waxaan ogaan lahayn inay
dhammaantood ahaayeen dhallinyaro. Dhab ahaantii, badankoodu - saddex meelood
afar ilaa shan meelood, oo iyaga ka mid ahi - waxay ka yaraayeen labaatan
sannadood, maxaa yeelay tani waa xilligii dadaalka.
Cabd-Raxmaan bin Cawf
wuxuu yidhi:
“Waxaan taagnaa safka
maalintii Badar. Marka, wiil yar ayaa ii soo dhowaaday - wuxuu ahaa
da'da qaangaadhnimada, ama dhawaan ayuu qaangaadhay - wuxuu ku yidhi: “Adeer! Mee Abu Jahal? ” Markaa, waxaan ku idhi: "Maxaad isaga ka doonaysaa?" Cabdrxmaan binu cawf wuyaabay : wiilkan yar oo wax ka weydiinaya Abu Jahl, oo ahaa gaashaanle, oo ahaa taliye jaahiliyyah. Wiilkii ayaa ku jawaabay: “Waxaan maqlay in uu caayo Rasuulka Alle (sallallaahu calayhi wasallam). Markaa, allaah baan ku dhaartaye, haddaan arko isaga, anigu naf kaga tegi maayo ilaa aan dilo, ama isaga ayaa idilaya labadaa miduun. ”
Dabadeed, wiil kale oo
dhallinyaro ah ayaa ii soo dhowaaday, kaasoo ay isku da'da ahaayeen wiilkii
hore. Wuxuu igu yidhi: “Adeer! mee Abuu Jahl? ” Waxaan weydiiyay: "Maxaad
ka rabtaa?"
wuxuu igu jawaabay:
“Waxaan maqalnay inuu aflagaadeeyo Rasuulka Alle (nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee). haddaan arko, ka tegi maayo ilaa aan dilo, ama ani ha idilo . ”
Muddo yar ka dib, waxaan meel fog ka arkay Abuu Jahal. Markaa, waxaan idhi: “waa kaa ninkii aad raadinayseen” waxaanan jeclaystay inaan soo ag istaago dhallintaan - yacni waxaan jeclaystay in qalbigaygu noqdo qalbiga dhalintan oo kale mid qiiro iyo firfircooni leh geeridana sugaya.
Dhalintii waxay ku soo
ordeen xaggii Abu-Jahal.
In yar ka dib, way soo noqdeen, iyagoo leh: “Rasuulkii Ilaahayow! Waanu dilnay! ” Rasuulkii Alle(sallallaahu calayhi wasallam) ayaa weydiiyey: "Ma Midkiin baa dilay?" Mucaad bin Camr bin al -Jaamic wuxuu yiri: "waan dillay", Mucaad bin Cafraana wuxuu yiri: "waan dillay" Nebiga (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ayaa weyddiiyey: "Weli seefihiina ma masaxdeen?" Waxay yiraadhdeen: “Maya” Nebiga (nabadgalyo korkiisa ha ahaate) wuxuu yidhi: “I tusa.” Markaa Nebigu (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) labadii seefoba dhiig buu ku arkay, oo wuxuu ku yidhi, labadiinaba waad disheen.
Haddaba fariintayda ugu danbaysa e aan idinla wadaagayaa waa Qofna yuusan burburin maskaxdaada. Waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd ee aad ku raadin lahayd riyadaada. Waa inaad u diyaar garowdaa wax kasta oo aad danaynayso, waxaad tahay halyeyga qoyskaaga, bulshadaada, iyo dalkaaga.
Sii wad dhiirigelinta naftaada, tijaabi kumanaan waxyaabood oo la imow fikrada ugu fiican. Ha niyad jabin marka midkoodna shaqayn waayo. Adigu keligaa ma tihid, waxaa jira kumanaan kale oo kaa dhib badan, laakiin may joojin, waxay bilaabeen halgankii ayay sii wadeen.
D H A A M A A D...................
W/Q Eng Azia
Asia's Barain
Comments
Post a Comment