MID KAMID AH XOOGAGA UGU DAAHSOON ADUUNKA....
W A K H T I T I M E
-WAA SHAN SABABOOD OO UU WAKHTIGU MIHIIM YAHAY
Inkasta oo ay tahay wax dhammaanteen inagu xeeran inteena
badana aynu u noqaano inuu yahay wax iska caadiya, haddana wakhtigu waa midka
mida xoogaga ugu daahsoon aduunka.
Maxuu wakhtigu muhiim uyahay?
Maxay yihiin waxyaabaha qaar ay tahay inuu qofwalba uu xasuusto,
markuu ka fikirayo wakhtiga?
Halkan waxaan idinku shegi doona toban sababood oo wakhtigu
muhiim yahay?
1# Waxwalba Wuxuu Ku Xidhanyahay Wakhtiga
Waxkasta oo koonkan ka jira wakhtiga ayaa sameeyay hadday
tahay ubax, bini-aadam, xiddig, wax
walbana si tartiibtartiib ah ayay u gaboobaan oo aakhirka u burburaan kolba wakhtiga socda. Xawaaraha
dhammaadkuna ama gabawgu wuu kala duwanan karaa laakin marnaba masii
jiridoonan.
2# Wakhtigu Waa Khayraadka Ugu Qaalisan Sababtoo Ah Dib Uma Helikartid
Maxaad ku qabanaysaa wakhtiga lagu siiyay?
Jawaabta su’aashani waa runtii waa mihuiim. Dadku intabadan waxay ka fikiraan
inay lacagtu tahay khayraadkooda ugu qiimaha badan, maxaayeaalay waxay ku
iibsan karaan waxkasta oo ay ubaahanyihiin dibna way u helikaraan laakin ma
ogtahay in wakhti haddii mar la waayo la waayo oo uu yahay waxa kaliya ee
lacagta ka qaalisan lana iibsan karin saacad lacagtu way kuu goyn kartaase
lagamayaabo inay wakhti kuu goyso.
3# Qofna Ma Oga Wakhtiga Uu Haysto
Dadku way ku dhiman karaan da’ kasta iyo sabab kastoo jirta,
mana jiro qof saadaalinkara.
4# Wakhtiga Kaliya E Aynu Haysano Waa Wakhti Xaadirka
Dad ahaan waxaynu ka warqabnaa saddexda marxaladood ee
wakhtiga- tagtada,manta iyo mustaqbalka. Waynu isticmaali karnaa tagtada si
aynu wax uga barano, waynuna usii diyaargarowi karnaa mustaqbalka, laakiin
wakhti xaadirku waa meesha kaliya e ay tahay inaan ku shaqayno.
5# Sida Aynu U Aragno Wakhtiga Ayaa Saamayn Ku Leh Farxda
Marka laga hadlayo tagtadii iyo mustaqbalka argatida fog ee
labadan shay waxay saamayn ku leedahay dadka farxadooda iyo xasiloonida
maskaxda, in badan ooo ionaga mida waxay wakhti badan ku lumiyaan ka sheekaynta
wixii soo maray, ama ka walwalka mustaqbalka.
Haddii aan awoodno inaan iska dhaafno wixii la soo dhaafay
iyo waxa aan la beddeli Karin, oo aan
hore u sii eegno wixii aan la garanayn oo
rajo leh, halkii aan ka baqi lahayn, waxa aynu dareemi doona farxad iyo
xasilooni.

Allahu akbar! wakhtigu waa waxa aduunka ugu qaalisan ee aynu waqti xaadirkan haysano
ReplyDeleteMahadsanid Eng Asia